Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Khilaafka xanaanada ubadka waalidiinta kala taga oo soo badanaya

La daabacay tisdag 14 augusti 2012 kl 14.23
Foto: Hasse Holmberg/Scanpix

Waxaa ku soo badanaya guud ahaan dalka gaar ahaan magaaladda Göteborg waalidiinta kala taga balse isku qabsada mas'uuliyada xanaanada ubadka waxaana taasi sabab u ah baa la leeyahay in waqtiyadan dambe in hooyooyinka ay noqdaan kuwa keligooda yeesha mas'uuliyada xanaanada ubadka balse aabayaal fara badan ay bilaabaan in ay u dagaalamaan xanaanada ubadka iyo la socodkiisa,sida ay baahisay idaacadda P4 Göteborg.

Sanad walba caruur gaareysa 50 000 ayaa waxaa kala taga waalidiintooda. Kala taga ama furiinka reeraha ayaan hadda sii kordheynin laakiin waxaa sii kordhaya isqab qabsiga ku aadan cida iska leh xanaanada ubadka.

Qeybta la socodka arrimaha qoyska ee magaaladda Göteborg oo sammeysay baaritaan ayaa waxay sheegtay in dacwadaha waalidiinta isku heysta xanaano ubad in ay soo kordheyn 50 boqlkiiba inta u dhaxeysa 2008 ilaa yo 2011 iyada oo welina ay kor u sii socoto sanadka.

Magaaladda Göteborg ayaa waxaa si gaar ah loogu soo hadal qaadayaa in khilaafka qoysaska ee magaaladaasi uu ka deg deg badan yahay qeybaha kale ee dalka.

Isbedel lagu sammeeyay sharciga sanadkii 2006-da ayaa u sahlaya waalidka midka loo geysto dhibaato amd rabshad in uu helo xanaan aan lala wadaagin oo ubadka ah, sida uu sheegay, Roger Söderstrand oo ka tirsan xafiiska arrimaha qoyska ee Familjerätten ee magaaladda Göteborg.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".