Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiyo doonaya in la kordhiyo lacagta nolosha ee qaxootiga

La daabacay onsdag 15 augusti 2012 kl 10.03
Emma Henriksson (KD) och Ulf Nilsson (FP).

Xisbiyada kala ah Folkpartiet iyo Kristdemokraterna oo labudaba ka tirsan xisbiyada talada haya ayaa doonaya in la kordhiyo lacagta nooliga ah ee la siiyo dadka magan gelyo doonka ah inta ay sugayaan sharciga deganaanshaha iyada oo muddo 18 sano ah aan waxba laga bedelin cadadka lacagtaasi la siiyo qaxootiga.

– Xaqiiqdii waa ay adag tahay in aad ahaato hooyo keligeed ah oo heysata afar caruur, mararka qaar cunada ayaa la weynaa tusaale ahaan caanaha la siiyo caruurta, ayay tiri  Assanatou Sidibé, oo ah hooyo heysata afar caruur oo ka soo jeeda dalka Kongo ahna qaxooti sugeysa sharciga deganaanshaha.

Dadka magan gelyo doonka ah ee sida haweeneydan oo kale doorta in ay ku noolaadaan xeryaha lagu sugo sharciga deganaanshaha ayaan iyagu bixin kiro balse guud ahaan waxay xaq u yeeshaan lacag nooli oo aan waxba laga bedelin caddkeeda tan iyo sanadkii 1994.

Haweeneydan iyo afarteeda caruurteeda ayaa waxay bishii nolol ahaan u helaan  6100 oo loogu tala galay in ay isaga bixiyaan daawo, safaro, nadaafad, cunto, dhar iyo qarashaadka  kale ee ku baxa nolosha.

– Waxaan ku fakadaa saaxiibteeda oo heysata sharciga deganaanshaha,mararka qaar iyada ayaan ka amaahdaa lacag, ayay tiri Assanatou Sidibé.

Waqtigan dheer ee waxba lagu kordhin lacagta nolosha ee ay qaataan qaxootiga sharci sugayaasha ayaa dhinaca kale waxaa sare u kacay dalka Iswiidhan lacagta cunooyinka la cuno iyada oo ay gaartay 26 boqolkiiba.  Sida laga soo xiganaayo ururada FARR,  Flyktingruppernas Riksråd, oo ah ururo taageera qaxootiga dad badan oo qaxooti sharci suge ku ah Iswiidhan ayaan maanta lacagta la siiyo waxay ku filneen noloshooda iyaga oo kaalmo ka helo ururada dadka caawiya ama dad ay yaqaanaan.

Haddaba xisbiyada Folkpartiet iyo Kristdemokrat ayaa doonayaa in la kordhiyo lacagta la siiyo dadka magan gelyo doonka ee sugaya sharciga deganaanshaha.

– Waxay ila tahay in la joogo xilligii qubarada jooga wasaarada ay eegi lahaayeen arrinkan. Waxaa suuragal ah in ay kordhiyaan kaalmada dhaqaale laakiin aniga waxaan u janjeeraa in la kordhiyo lacagtaasi la siiyo qaxootiga sharci sugaha ah, ayuu yiri  Ulf Nilsson, oo ah afhayeenka siyaasada qaxootiga ee xisbiga Folkpartiet.

Emma Henriksson oo iyana u hadashay xisbiga  Kristdemokrat ayay la tahay in lacagta kaalmada ay aad u hooseeyso, waxayna sheegtay in ay suuragal tahay in la eego arrinta maadaama dhowaantan baarlamanka dalka uu ansixyay in la kordhiyo lacagta ceyrta ee ay qaataan dad aan shaqeyn.

Hase yeeshee labada xisbi kala ee Centerpartiet iyo Moderat ayay iyagu qaba aragti ah in ay jiraan wax yaabo ka muhiimsan lacagta nolosha.

– Xaalada ina hor taalla marka eegno, muhiim inooma aha lacagta Ia siiyo sharci sugayaasha ee waxaa ka muhiimsan in la eego  dadka magan gelyada soo codsaday ma helayaan magan gelyo ee ma ahan in lacagta loo kordhiyo kuwa jooga , ayuu yiri Fredrick Federley oo ka tirsan xisbiga (C).

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".