Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka ku jira da'da howlgabka oo kordhaya

La daabacay onsdag 15 augusti 2012 kl 11.09
Ingegerd är på plats för en sista pensionärspanel denna sommar.

Waxaa sii kordhaya dadka da'dooda ay ka badan tahay 65 sano ee weli ku jira suuqada shaqada ama shaqeeya iyada oo dhanka kalana ay soo badanayaan shirkadaha doonaya in ay caawiyaan dadka noqdo howlgabka.

Maalintii shalay ee salaasada ayay aheyd markii wasiirada caruurta iyo waayeelada ka furtay Stockholm xaflad lagu furayay wakaalad cusub oo dooneysa in ay caawiso dadka howlgabka ah ee weli shaqeynaya.

Xitaa dadka shaqeeya ee da'dooda ka weyn tahay 70 sano ayaa kordhay 25 boqolkiiba isla waqtigan iyada oo tiradooda ay gaareyso 27.000.

Tirada dadka shaqeeya ee da'dooda ka sarreyso 64 sano ayaa gaaraya maanta 137.000, waana sare kac gaaraya in ka badan 80 boqlkiiba tan iyo sanadkii 2004, sida ay ku cad tirakoob ay soo saartay shirkada hawlgabka ee AMF.

Dhinaca kale sida uu soo qoray wargeyska, Dagens Industri shirkadaha shaqaalaha ayaa ku maalgeliya dadka hawlgabka ah lacag gaareysa 300 milyan oo karoon sanadkii.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".