Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ciyaar saaxibtinimo oo caawa dhex mareysa Iswiidhan iyo Brazil

La daabacay onsdag 15 augusti 2012 kl 11.41
Pele oo ku soo noqday garoonka Råsunda. Foto: Lasse Persson

Waxaa caawa ka dhaceysa garoonka Råsunda ee magaaladda Stockholm ciyaar kubada cagta cagta ah oo u dhaxeysa dalalka Iswiidhan iyo Baraasiil waana ciyaarta ugu dambeysa ee kubada cagta ee lagu ciyaaro garoonkaasi oo lagu wado in la dumiyo lagana dhiso garoon loogu magac daray Friends arena, sida ay soo qortay wakaaladda wararka ee TT.

Garoonka Råsunda ayaa ah halka Baraasiil ay ku qaaday koobkeedii ugu horreeyay ee adduunka waxayna xasuus gaar ah uu u leeyahay garoonka laacibka Pele oo caawa jooga garoonka garoonka isaga oo sheegay in wax walba ay ka bilowdeen garoonkan hadda la dumin rabo.

Tubta ay Iswiidhan u mareyso ciyaaraha koobka adduunka ee lagu qabanayo magaaladda Brasilien ayay waxay ku daah fureysaa kulanka ciyaarta saaxibtinimo ee caawa ay la leedahay xulka Baraasiil.

U diyaargarowga ciyaaraha isreeb reebka ee koobka adduunka ee Iswiidhan ayaa waxaa ka jira wax xoogaa culeys ah iyada ciyaartoyda kala Johan Elmander, Martin Olsson iyo Markus Rosenberg ayaa diiday in ay ka qeyb qaataan halka ciyaaryahanada kala Kim Källström, Emir Bajrami, Alexander Gerndt iyo Johan Wiland ay dhaawacan yihiin.

Sidoo kale xiddiga weyn ee kooxda Paris Saint Germains Zlatan Ibrahimovic ayaa isna dareemaya xanuun jilibka ah laakiin rajada laga qabo in uu caawa ciyaaro ayaa ah mid wanaagsan.

Tababaraha xulka qaranka Erik Hamrén ayaa sheegay in wel wel sidaasi u weyn in aysan ku heyn caawa ciyaartoyda ka maqan maadaama ciyaarta caawa aysan aheyn is reereeb balse ay tahay mid saaxibtinimo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".