Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhan oo sammeysaneysa diyaaradaha aan cidna kaxeyn ee drones

La daabacay onsdag 15 augusti 2012 kl 13.22
Diyaaradaha dagaalka ee Jas Gripen. Foto: Sören Andersson/Scanpix.

Wasaaradda difaaca ee Iswiidhan ayaa wada qorshe suurta galnimada in la sammeeyo nooc ka mid ah diyaarada dagaalka ee Jas Gripen balse duuliye la'aan ah, sida uu soo qoray wargeyska Ny teknik.

Diyaaradaha aan cidna kaxeyn ayaa waxaa lagu magacaabaa ''Drone'' . Dalka mareykanka ayaana si weyn ugu isticmaala weeraro uu ka fuliyo Afganistan iyo gobolka qabaa'ilada ee dalka ee Pakistan.

Gu'gii aynu soo dhaafnay aya wasaaradda waxay soo bandhigtay dhowr aragti oo ku qotoma dagaalka hawada ee mustaqbalka.

Aragtiyada la soo bandhigay waxaa ka mid ah diyaarad loogu magac daray C 3, oo ah nooc cusub oo ah ahaanka diyaaradaha dagaalka oo isugu jira kuwa duuliyayaal leh iyo kuwa bilaa duuliye ah.

Wasaaradda gaashaandhiga Iswiidhan ayaa u aragta in diyaaradaha duuliye la'aanta ah ee dhulka laga hago in ay door weyn ka qaadan doonaan howl galada militeriga ee mustaqbalka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".