Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka ku dhinta shilalka baaskiilada oo kordhay

La daabacay onsdag 15 augusti 2012 kl 14.36
Shilalka baaskiilada oo sanadkan sare u kordhay. Foto: TomasOneborg/Scanpix.

Dadka ku geeriyooday shilalka baaskiilka ayaa sare u kordhay, sida ay sheegtay hay'ada gaadiid ee Tansportstyrelsen.

Sanadkii hore ayaa waxaa hoos u dhacay tirada dadka ku dhintay shilalka baaskiilada balse sanadkan ayay sare u soo kacday iyada oo dadka ku dhintay shilalka baaskiilada ee ka dhaca waddooyinka gaadiidka ay sanadkan gaarayaan 14.

Isla waqtigan sanadkii hore ee 2011 tirada dhimashada ee shilalka baaskiilada ayaa ahaa toban qof. Tirakoobkan ayaa waxaa laga helay hay'ada gaadiidka ee Tansportstyrelsen waxayna warbixinta ku saleysan tahay warbixinada booliska ee shilalka dhaca sidaasi daraadeed ayaa tirakoobka waxuu noqonaa mid horudhac ah.

Dadka ayaa si weyn u istcimaala baaskiilada xilliga kuleylaha ee soomar-ka iyada oo qaarkood ku jimicsada qaarna ay u adeegsadaan gaadiid ahaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".