Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Degmooyinka dalka oo ku kala duwan iibinta sharaabka qamriga

La daabacay onsdag 15 augusti 2012 kl 16.11
Haweeney kabaneysa qamri. Sharciga qamriga oo siyaabo kala duwan loo turjunto . Foto: Fredrik Sandberg/Scanpix

Dukaanada iibiya cunada ayaa waxaa u fudud in ay helaan ruqsad ay ku iibin karaan cabitaanada qamriga ku jira sida biirada, vin iyo sharaabka cider oo ah cabitaan ka sammeysan tufaax balse ku jirta cadad yar oo qamri ah.

Sharci soo baxay sanad ka hor ayaa u sahlaya dukaanada iibiya cunada in ay iibin karaa sharaabyadaasi hase yeeshee maamulada degmooyinka ay si kala duwan u turjunta sharcigaasi.

Maamulka Stockholm Stad ayaa ruqsad siiyay dhowr dukaan si ay ugu iibiyaan macaamiishooda alkohol laakiin maamulka degmada Åre ee waqooyiga Iswiidhan ayaa diiday codsi la mid ah midka maamulka Stockholm uu siiyay dukaanada cunooyinka iibiya ee ah iibinta Alkoholada.

Lief Nord oo ka tirsan hay'ada bulshada ee degmada Åre ayaa sheegay in sababta degmadooda ay u diiday in ay bixiso ruqasada in qamri lagu iibin karo dukaanada cuntada ay tahay dhibaatooyinka yar yar ee siyaasada ku aadan alkoholada alkaholada.

Sharciga ruqasada alkoholada ee dukaanada cuntada ayaa keliya jira muddo sanad ah ma jirto maxkamad sare oo go'aan ka soo saartay taasi oo micnaheedu yahay in degmooyinka ay raacayaan xeer hoosaadyo taasi oo muujineysa in ay iska cadahay in degmooyinka si kala duwan ay u turjumanaayaan sharciga oo shirkadahana si kala duwan loola dhaqmayo iyada oo ay ku xirantahay halka ay kaga sugan yihiin dalka.

Laakiin Mats Larsson oo a agaasime ka ah hay'ada dowlada ee Folkhälsoinstitut ayaa aminsan in ay sidaasi wanaagsaneen ayna haboon tahay in sharciga loo wada hoggaansamo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".