Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka qiyaana cashuurta bixinta oo yaraaday

La daabacay torsdag 16 augusti 2012 kl 10.04
Astaanta hay'ada cashuurta. Foto: Christine Olsson/Scanpix

Cilmi baaris ay sammeysay hay'adda cashuurta ee Skatteverket ayaa waxaa lagu sheegay in ay sii yaraadeen dadka qiyaana cashuurta, ama ku shaqeeya suuq madow ama shaqaaleysta dad aan heysan sharci.

Sidoo kale waxaa sii badanaya dadka ka fogaada in ay qiiyaano ku sammeeyaan canshuur bixinta iyada oo tirada dadkaasi ay gaartay 74 boqolkiiba halka lix sano ka hor ay aheyd 51 boqolkiiba.

Agaasimaha guud ee hay'ada cashuurta Ingemar Hansson iyo madaxa qeybta cilmi baarista ee hay'ada Jan-Erik Bäckman oo si wadajir ah qormo ugu soo daabacay bogga doodaha ee wargeyska DN ayaa waxay ku tilmaameen yaraashaha dadka qiyaano canshuur bixinta in ay sabab u tahay dadka oo jeclaaday hanaanka canshuur bixinta.

Isha warka: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".