Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ingiriiska oo ku hanjabay in xoog ku galayo safaarada Ecuador

La daabacay torsdag 16 augusti 2012 kl 10.35
Julian Assange waxuu ku dhex jiraa safaaradda Ecuador ee magaaladda London. Photo: Scanpix.

Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Ecuador, Ricardo Patiño, ayaa sheegay in dowlada Britain ay ku goodisay in ay xoog ku geli doonaan safaaradda Ecuador ee magaaladda London halkaasi oo uu ku jiro Julian Assange aasaasaha Wikileaks haddii safaaradda aysan soo dhiibin.

Shir saxaafadeed uu ku qabtay xarunta dalkiisa ee Quito ayuu wasiirka arrimaha dibeda waxuu ku cambaareeyay hanjabaada ka soo yeertay Ingiriiska isaga oo sheegay in ay jebineyso dhammaan xeerarka caalamiga.

- Dowlada Ingiriiska waxay ina soo gaarsiisay hanjabaad deg deg ah oo ay ku sheegtay in ay xoog ku geli doonaan safaaradeena magaaladda London haddii aanan u gacan gelinin Julian Assange, ayuu yiri Ricardo Patiño.

Ingiriiska ayaa hanjabaadan af ahaan iyo qoraal ahaan waxuu ku gaarsiisay dowlada Ecuador iyada oo Mr. Ricardo Patiño uu jawaab adag ka bixiyay waxuuna sheegay in Ecuador aysan aheyn maxmiyad uu leeyahay Ingiriiska iyo xilligii gumeysigana uu dhammaaday oo laga soo gudbay.

Wasiirka ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in Ecuador ay jawaab ka bixin doonto haddii lagu soo xadgudbo safaaradeeda.

Sida ay baahisay BBC-da waxaa jira sharci laga soo saaray Ingiriiska sanadkii 1987 kaasi oo dowlada Ingiriiska siinaya fursad ah in ay laasho gabaadka dibolomaasiyada ee safaarad ku taalla dalkeeda haddii ay u baahato in ay gudaha u gasho.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibeda ee Ecuador ayaa sheegay in dalkiisa uu go'aan ka gaaray codsiga magan gelyo doon ee Julian Assange ayna saxaafadda u sheegi doonaan marka saacadda Iswiidhan ay tahay 2-da duhurnimo.

Waxay ku dhowdahay labo bil tan iyo markii Julian Assange uu ku caray safaaradda Ecuador ee magaaladda London halkaasi oo ka dalbaday in magan gelyo siyaasadeed.

Codsiga magan gelyada ee Assange ayaa yimid ka dib markii maxkamada sare ee London ay xukuntay in Assange loo soo gacan geliyo dowlada Iswiidhan si su'aalo looga weydiiyo eedeymo kufsi oo la sheegay in uu geystay mar uu joogay Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".