Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Deg deg: Dowlada Ecuador oo magan gelyo siyaasadeed siisay Assange

La daabacay torsdag 16 augusti 2012 kl 14.39
Wasiirka arrimaha dibeda Ecuador, Ricardo Patiño, Photo: Dolores Ochoa/Scanpix

Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Ecuador ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa uu siisay magan gelyo dibolomaasiyadeed aasaasaha warbaahinta Wikileaks Julian Assange oo ku dhex jira safaaradda Ecuador ee magaaladda London.

Ku dhawaaqistan ayaa timid maalin ka dib markii dowlada Ingiriska u gudbisay dalka Ecuador fariin ah in ay xoog ku geli doonto safaaradda haddii aan loo soo gacan gelin Assange oo Ingiriiska uu doonayo in uu soo dhiibo Iswiidhan oo ay taallo dacwad ka dhan ah weriyahan.

Julian Assange ayaa ku dhowaad labo bil waxuu ku dhex jiraa safaaradda Ecuador ee London ka dib markii maxakamada sare ee dalka Ingiriiska ay diiday isku day uu ku doonayay in dib loo furo racfaan uu ka qaatay in aan loo soo dhiibin Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".