Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xiisad dibolomaasiyadeed oo ka dhalatay go’aanka Ecuador ee Assange

La daabacay fredag 17 augusti 2012 kl 10.03
Wikileaks ayaa fariin ay soo dhigtay Twitter waxay ku sheegtay in Assange uu war saxaafadeed ku hor qaban doono safaardda Ecuador ee London. Foto: Scanpix.

Dowladaha Iswiidhan iyo Ingiriiska ayaa si weyn u cambaareeyay go’aanka ay dowlada Ecuador ku siisay magan gelyo siyaasadeed aasaasaha hay’ada warbaahinta Wikileaks, Julian Assange iyada oo wasiirka arrimaha dibeda Iswiidhan Carl Bildt uu ku tilmaamay go’aanka Ecuador ay magan gelyada ku siisay Julian Assange, mid halis ah, qalad ah cadaaladna aan aheyn waxuuna hadalkani uu yiri wasiirka ka dib kulan ka dhacay wasaaradda arrimaha dibeda oo uu ka soo qeyb galay safiirka Ecuador u fadhiya Iswiidhan.

Fariin hore oo uu ku soo qoray bogga uu ku leeyahay Twitter ayuu wasiirka arrimaha dibeda waxuu sidoo kale si weyn ugu  difaacay hanaanka cadaalada Iswiidhan oo ay Ecuador ka muujisay shaki iyada oo Carl Bildt uu soo qoray,  "Hanaankeena cadaaladda waa mid fadhiya oo damaanad qaadaya xaquuqda cid kasta, si weyn ayaan u diideynaa waxii ka horimaanaya arrintaasi",

Assange ayaa waxaa ka taalla Iswiidhan eedeymo ah in uu kufsaday labo haween iyada oo Iswiidhan dooneyso in ay su’aalo ka weydiiso eedeymaha loo heysto balse Julian Assange ayaa ku andacoonaya in eedeymaha loo heysto ay yihiin kuwa la siyaasadeeyay oo ugu dambeyntiina laga gol leeyahay in Iswiidhan ay u sii dhiibto mareykanka haddii loo soo gacan geliyo.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibeda ee dalka Ingiriiska William Hague ayaa sheegay in Assange uu waqti ku sii jiri doono safaaradda Ecuador ee magaaladda London balse waxuu sheegay in dowlada Ingiriiska aysan oggolaan doonin in Jullian Assange uu ka baxo dalkeeda isaga oo sheegay in Britian uu saaran yahay waajib ah in Assange ay u soo dhiibto Iswiidhan sidaasina ay yeeli doonto.

Qareenka caanka ah ee difaacaya Assange,  Baltasar Garzon ayaa isna sheegay in ay dacwad geyn doonaan maxkamada caalamiga ee magaaladda Hague haddii dowlada Ingiriiska ay u oggolaan weydo Julian Assange in dalkeeda uu isag tago.

– Dowlada Ingiriiska waa in ay raacdaa xeerarka ka yaala axdiyada qaxootiga ayna u oggolaato Assange in uu isaga tago dalkeeda haddii kale dacwad ayaan geyneenaa maxkamada caalamiga ee Hague, ayuu yiri Garzon sida uu soo qoray wargeyska kasoo baxa dalka Spain ee  El Pais oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Garzón, oo hadda caawinaya kooxda difaaceysa Assange, ayaa muddo sanad ah waxaa laga mamnuucay in howlo xaakin uu ka qabto dalka Spain ka dib markii lagu helay faragelin sharci daro ah, waxuuna caan ku noqday isku day uu ku doonayay in maxkamad uu horkeeno kaligii taliyihii hore ee dalka Chile Augusto Pinochet.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".