Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkado yar oo dalbada kaalmada lacagaha kaga baxa mushaharada jirada

La daabacay fredag 17 augusti 2012 kl 10.44
Foto: Jessica Gow/Scanpix.

Tan iyo waxii ka dambeeyay sanadkii 2010 waxaa dalka ka jira xeer u sahlaya hay’adaha ama shirkadaha shaqada bixiya in ay dib u helaan lacagaha saa’idka ah ee kaga baxa waxa afka Iswidhishka lagu yiraahdo ’’sjuklöner’’ oo ah lacago ama mushahar hay’adaha shaqada bixiya siiyaan dadka u shaqeeya hase yeeshee waxaa imminka la sheegayaa in shirkado yar ay ka faa’ideystaan xeerkaasi.

Birgitta Rosengren oo ka tirsan xafiiska weyn ee caymiska qaranka ee Försäkringskassan ayaa sheegtay in ay la yaaban tahay sababta ay shirkadaha shaqada bixiya ay ugu faa’ideysan la’yihiin xeerkan u sahlaya in ay dib loogu soo celiya lacagaha saa’idka ee kaga baxa mushaharka xanuunka iyada oo sheegtay in hay’ada ceymiska ay warbixino badan ka soo saartay jiritaanka hanaankaasi oo ah mid soo jiidasho leh, ayay tiri Birgitta Rosengren.

Shirkadaha shaqada bixiya ayaa mushaharka la yiraahdo ’’sjuklönen’’ waxay bixiyaan 14 maalimood ee ugu horreeya ee qofka u shaqeeya uu xanuunsado, waxayna dib ugu soo ceshan karaan lacagtaasi qasnada hay’ada ceymiska  hase yeeshee shirakado aad ugu yar inta la filayay ayaa codsaday magdhawgaasi.

Sanadkii ina dhaafay ee 2011 shirkado gaaraya  301 ayaa qasnada ceymiska dib ugula soo laabtay lacag gaareysa 57 milyan oo  kronor. Miisaaaniyada mucaaradka ay ugu tala galeyn arrintan 228 milyan laakiin keliya afar dalool hal dalool ayaa la isticmaalaa.

 Sanadkan 2012 waxaa loo qoondeeyay 380 miljan oo karoon isla lacagaahasi saa’idka ah ee shirkadaha shaqada bixiya kaga baxda musharooyinka xanuunka waxayna Birgitta Rosengren ay sheegtay in si fiican ay ugu hadleen arrintaas.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".