Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka lagu wargeliyo in shaqada ka dhammaatay oo kordhay

La daabacay fredag 17 augusti 2012 kl 11.47
Foto: Hasse Holmberg/Scanpix

Tirada dadka la siiyo wargelin ah in ay shaqada ka dhammaatay ayaa guud ahaan waxay sare ugu kacday dalka iyada oo ku dhowaad 3700 oo qof lagu war geliyay in shaqada ay hayeen ay dhammaatay.

Sanadkii hore is la waqtigan ayay tirada dadka lagu war geliyay in shaqooyinka ay hayeen ay ka dhammaatay ayay waxay aheyd 800 oo qof.

Gobolada Skåne iyo  Västra Götaland ayaa waxaa laba laabmay tirada dadka la siiyo wargelin ah in shaqooyinka ay ka dhammaadeen.

Hase yeeshee gobolka Stockholm ayaa waxaa bishii Luulyo aad hoos ugu dhacay tirada dadka la siiyo ogeysiiska ah in shaqada ay ka dhammatay iyada oo ay ka soo yaraatay 1 600 oo ay gaartay 630 ruux.

Guud ahaan dad gaaraya 378. 000 oo qof ayaa shaqo la’aan ahaa bishii Luulyo iyada oo sanadkan uu dheer yahay 13 000 qof dadka shaqo la’aanta ahaa sanadkii hore.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".