Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Labo ka mid ah xisbiyada talada haya oo soo bandhigay miisaaniyada deyrta

La daabacay fredag 17 augusti 2012 kl 12.40
Foto: Sveriges Radio

Xisbiyada KD iyo C ayaa soo bandhigay qorshayaashooda miisaaniyada deyrta fooda inagu soo heysa iyada oo hoggaamiyayaasha labada xisbi ay ka hadleen arrimaha ay siin doonaan ahmiyada.

Xisbiga Kristdemokrat ayaa sheegay in hindisahooda uu yahay in la kordhiyo lacagta la yiraahdo ''grundersättning'' ee la siiyo qoysaska leh caruurta iyo waalidiinta doonaya in waqti dheer caruurtooda la joogaan xaafadaha.

Hogaamiyaha xisbiga KD ahna wasiirka arrimaha bulshada Göran Hägglund ayaa sidoo kale doonaya in imminka la oofiyo ballantii aheyd in hoos loo dhigayo cashuurta dadka howlgabka ah.

- Waxaan balan qaadnay in aan hoos u dhimi doonaa cashuurta dadka waaweyn ee howlgabka ah 2,3 milyaardi mudada aan heyneyno talada. Waxaan hoos u dhignay cashuurta howlgabka tiro saddex tallabo ah waxaan dooneynaa in tallaabada afaraad aan ku sammeyno sida ugu dhaqsiyaha badan ee suuragalka ah, ayuu yiri wasiirka.

Hoggaamiyaha xisbiga Center-ka ahna wasiirka ganacsiga Annie Lööf ayaa bedeshay aragtideeda cashuurta shirkadaha iyada oo imminka raacday aragtida xisbiyada kale ee isbaheysiga la ah oo ah in hoos loo dhigo cashuurta shirkadaha. Wasiirda ayaa u aragta in dhimista cashuurta shirkadaha ay muhiim u tahay ganacsiga dalka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".