Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Göran Lambertz: "Quick waxuu hayaa xogo xiisa badan oo u gaar ah"

La daabacay måndag 20 augusti 2012 kl 09.42
Justitierådet Göran Lambertz. Foto: Fredrik Sandberg / Scanpix

Sarkaal sare oo kormeer ku heyn jiray maxkamadaha iyo dowlada in sidii loogu tala galay u raacaan una ilaaliyaan sharciga dalka ayaa sheegay, in Thomas Quick oo hadda la magac baxay Sture Bergwell loona heysto dacwado ah in dad badan uu dilay, uu hayo xogo xiiso badan oo isaga u gaar ah kuna saabsan dilalka uu geystay.

Sarkaalkan oo lagu magacaaabo Göran Lambertz  oo la hadlay Ekot ayaa sheegay in Sture Begwall uu xaqiiqdii leeyahay ugu yaraan labo ka mid ah dambiyada dilka ee horay loogu xukumay.

Bogga doodaha ee wargeyska DN faallo uu ku soo qoray ayuu isla sarkaalkan hore waxuu kaga hadlay ilaa iyo shan tusaale oo ah warbixino  Sture Bergwall uu siiyay booliska balse aysan jirin cid kale og warbixinadaasi.

Göran Lambertz ayaa sheegay in warbixinada uu booliska u sheegay Sture Bergwall in ay adag tahay in uu sharxo qof aan geysan dilalakaasi oo warbixinada ay muujinayaan sida uu u sharxay Sture Bergwall dhacdooyinka oo haddii uusan isaga aheyn qofka geystay dilka uusan sharaxi kari laheyn.

Hal tusaale oo Göran Lambertz uu hadda soo bandhigay ayaa ah sida Sture Begwall oo u sharxay astaan dhalasho oo uu lahaa will 11 jir ah oo ka mid dhibanayaasha loo heysto Sture Bergwall waxuu astnaanta ku taallay wiilkaasi uu u sharxay sida hooya dhashay wiilka ay iyana u sheegtay.

Dhowaantan ayaa waxaa soo kordhay doodo ku saabsan in Sture Bergwall xukunkiisii hore ee dilalka loo heysto in ay ahaayeen kuwa qaldanaa oo Sture Bergwall uu yahay qof aan waxba galabsan.

Dooda ugu badan ayaa soo baxday ka dib markii weriye hadda la yiraahdo Hannes Råstams oo geeriyooday horraantii sanadkan uu qoray buug ka hadlaya in Sture Bergwall uu yahay qof aan dambi laheyn, waxaana jira dad badan oo ku raacsan hase yeeshee sarkaalkan hore ee xagga sharciga ayaa dhaliilsan buugaasi waxuuna  waali ku tilmaamay dadka ku deg degaya in xukunka horay ugu dhacay Sture Bertgwall uu yahay qalad iyo fadeexo xagga sharciga ah.

Suxufiga  Hannes Råstam ayaa sidoo kale ahaan weriyaha sammeeyay filim dikomantariga ee  Sture Bergwall kaga noqday qirashada uu horay u qirtay dilalka loo heysto.

Göran Lambertz ayaa hadda doonaya in la sammeeyo gudi madax banaan oo eega guud ahaan kiiska Sture Begwall.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".