Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hadii aan quwad gaarno waan mamnuucaynaa shirkadaha qaaska ah

La daabacay måndag 20 augusti 2012 kl 11.50

Shalay waxaa qodbadiisa xagaaga ka jeediyey magaalada Umeå hogaamiyaha xisbiga Vänsterpariet Jonas Sjöstedt. Waxa uu qodbadiisa tusaale u soo qaatay fadeexadahii la xiriirtay Tillväxtverket iyo wasaarada ganacsiga. Waxa uuna ku tilmaamey qodbadii Ra'iisalwasare Fredrik Reinfeldt ka jeediyey Stockholm mid daal ka muuqdo oo aan nuxur lahayn.

- In waaxaha aas' aasigaa la maal-geliyo sida uu Reinfeldt sheegay in uu sameeyo, waa wax fiican oo loo baahanyahy, taas waligeen aaminsanayn.

Laakiin la rabo siyaasad saameysa dalka oo dhan, dabcan kuma filna tareenka dhulka hoostiisa mara oo la gaarsiiyo xaafada Nacka, ayuu yeri Jonaas Sjöstedt.

Mar uu ka hadlayey shirkadaha bemanningsföretaga, waxa uu sheegay in uu rabo in la mamnuuco in shaqaalaha shirkadahu ruqseeyan kadibna adeegsadaan bemaningsföretag-yada.

Hadii Vänsterpartiet doorashada soo socota gaarto heer quwadeed ayuu Sjöstedt balan qaaday in uu kla mamnuucayo shirkadaha qaas loo leeyahay xarumaha guud ee daryeelka iyo nabadgelyada bulshada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".