Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tacliinta xirfadaha gymnasiumka

La daabacay måndag 20 augusti 2012 kl 14.53
Kista Gymnasium. Foto: Claudio Bresciani/Scanpix.

Ardeyda dalbata barnaamijyada xirfadaha ee dugsiga sare ayaa aad u yaraaday, taas oo ay ururka shaqo bixiyaasha Svenskt näringsliv iyo ururada shaqaalaha ka digeen gabaabsi xirfadeed oo mustaqbalka dalka soo wajahda. Lakiin dowladda iyo wasiirka tacliinta Jan Björklund ayaa maantay soo bandhigan qorsho cusob oo wax looga qabanayo tacliinta xirfadaha dugsiyada sare.

Dhibatada ugu weyn waxay ka taagan tahay barnaamijyada lagu dhigo dugsiyada sare ee daryeelka iyo xanaanada waayeelka, saas darteed ayaa loo saaray gudi cusob oo ka soo baaran dega sida barnaamijyadaan looga dhigi lahaa kuwo soo jiita ardeyda. Björklund ayaa donaya in uu hergeliyo imtixaano gooniya oo looga qalin jabiyo barnamijyadaan kuwaas oo uu ku taliyey in loo bixiyo undersköterskeexamen

Svenskt Näringsliv ayaa ayagu rabo in la maalgeliyo iskuulada yrkeshögskolan taas oo ay xataa rabaan ururka gobollada iyo deegaanada SKL.

Ururka shaqaalha dhismayaasha Byggnad ayaa ku dhaleeceeyey dowladda in ay ka dhex abuurtay ardeyda farqi u kala dhaxeeya, waxayna ku taliyeen in dib looga dhigo tacliinta xirfadaha dugsiyada sare kuow lagu qaato shahaadooyin lagu dalban karo tacliin sare.

Xogta: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".