Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Isbadelka qaab canshuureedka guriyaha

La daabacay tisdag 21 augusti 2012 kl 14.42

Qaab canshuureedka guriyaha ayaa gebi ahaantiis dib u habayn lagu sameyna rabaa sidaa uu ku talinayo baritaan loo gubiyey maantay wasiirka dhaqaalaha Anders Borg, sidey ogaatay laanta warka ee Ekot.

Canshuur qaymeedkii la yiraahdo taxeringsvärdet ayaa mesha laga saari doona, khidmadaha laga qaado guriyahana waxay ku dhisnaan doontaa baaxada guriga. Taas oo kamicno ah in dadytowga degan guriha yaryar lakiin ku fadhiya baxad weyn yahiin ku qasaaraya nidaamkaan cusob. halka dadyowga degan guriyaha aay baaxadooda yartay yahiin kuwo ku faa'idaya.

Henrik von Sydow waxa uu xisbiga moderatka u qaabilsanyahay arimaha canshuuraha, asaga oo arintaan ka hadlayena waxa uu yeri.

- qaab ahaan waan ku qanacseneyn isbadelkii 2007 lagu sameeyey qaab canshuureedka guriyaha, waana soo dhaweynaynaa hindiseyaasha sii sahlaya qaab canshuureedka guriyaha.

Xisbiga Soshiyaaldemokratiga in ay ayagu ka hadlaan arimaha la xiriira canshuurta guriyaha madaame ay leedahay xasaasiyedeeda. Magdelena Andersson waxay xisbigaas u gaabilsantahay arimaha dhaqaalaha, waxayna tiri ayadoo arintaas ka faaloonaysa.

- waan ariki doona markay arintaan dowladda hindiso ahaan u soo bandhigto, laakiin waxaan aaminsanahay in ay shardi tahay in ruuxa dhaqaalahiisa yahay mid degan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".