Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Isweedhis ku afduuban Mali oo al-jazeera ka soo muuqdey

La daabacay onsdag 22 augusti 2012 kl 12.23
Ninkan Isweedhiska ah ee lagu afduubay Mali oo ka soo muuqday al-jaziira asaga oo garbahiisa fadhiyaan labo la afduubay oo kula dhashay Ingriiska iyo Holland. Foto: al-Jazira/Scanpix

Nin Iswedhish ah oo lagu afduubay dalka maali bishii november sannadkii hore ayaa ka soo muuqday tv-ga al-jazira. Kanaalka ayaa la kulmay ninka Iswedhiska ah iyo labo nin oo kale oo u kala dhashay Ingriiska iyo Holland.

Dhamaantood waxay u afduubanyahiin kooxda argagixisada ah ee AQIM oo ah laan kamid ah Al-qaida. ragaan u afduuban kooxdaan ayaa ka soo muuqday shaashada iiayaga oo dhulka fadhiya lugahana isku saaranyahiin garkuna ku baxay. Wariyaasha telefioshinka al-jazeera ee la kulmey ragaan ayaa sheegay in ay muuqdeen kuwo caafimaad qaba.

Sadexda nin ayaa dowladdahooda ka codsadey in ay la xaajoodaan afduubayaashooda si loo siidaayo.

Ragaan ayaa lagu afdduubay wadanka Mali 25 november sannadkii hore, waxaana ku afreeyey nin kale oo jarmal ahaa balse ay kooxdo dishay markuu ka amar diidey.

Kooxda AQIM ayaa awel horay dhulka saxaraha uga afduubtay lix qof oo u dhashay Faransiiska.

Wasaarada arimaha dibada Sweden ayaa iska diiday in ay arimahaan xaasxaasiga ah la xiriria afduubka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".