Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Hay'ada socdaalka iyo tirada magangalyodoonka

La daabacay torsdag 23 augusti 2012 kl 13.34
Iswiidhan in ay imaadaan qaxooti ka badan 37,000

Tirada dadka magan gelyo doonka ah ee soo gaaraya dalka Iswiidhan ayaa aad u kordhay iyada oo waaxda socdaalka ay sheegtay in aysan ku maareyn karin qaabilaada qaxootigan faraha badan miisaaniyada ay heysato.

Hay'ada socdaalka ee Migrationsverket ayaa fileysay in qaxootiga sanadkan imaanaya Iswiidhan in ay gaarayaan 30,000, laakiin hadda waxay kor u dhaafeen in ka badan 37,000 waxaana u badan dadka Suuiryaan ah ee ka soo qaxaya dagaalka ka socda dalkooda.

Tolle Furugård oo madax ka ah xarunta hay'ada socdaalka ee magaaladda Örebro ayaa sheegay in tirada qaxootiga ee imaanaya Iswiidhan in aysan gaarin heerkan tan iyo waxii ka dambeeyay dagaalkii Boosniya iyada oo sida caadiga ah ay filan jireen 400 ilaa iyo 500 oo magan gelyo doon ah toddobaadkii balse kun ay marayaan dadka iska dhiiba dalka asbuucii.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".