Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i Kronåsens industriområde med kraftig rökutveckling som följd.
(Publicerat idag kl 15.48)
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Anders Breivrik oo la xukumay

La daabacay fredag 24 augusti 2012 kl 09.31
Foto: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Maxkamad ku taalla dalka Norway ayaa ku xukuntay Anders Behring Breivik oo ah ninkii sanadkii hore xasuuqa ka geystay jasiiradda Utöya iyo caasimada Oslo xukun ah xabsi ugu yaraan gaaraya 21 sano.

Qaadiga hoggaamineysay maxkamada Wenche Elizabeth Arntze ayaa ku dhawaaqday in Anders Brievrik uu maskax ahaan fayowyahay uuna gelaayo xabsi oo waxay ku xukuntay 21 sano oo xabsi ah ugu yaraan.

Xukunka ku dhacaya ninkan ayaa noqon kara in uu xabsi aado ama haddii loo karo in uu waalanyahayna loo diro xarumaha dadka waal waalan oo halkaasi lagu hayo.

Dhinaca kale ra’ti ururrin la sameeyay Iswiidhan ayaa waxaa lagu ogaaday in saddex ka mid ah afartii qof ee Iswidhish ah ay la tahay in Behring Breivik lagu xukmin doono in uu galo xabsi.

Keliya qof ka mid ah shantii qof ayaa qaba in uu waalan yahay ninkaasi dadka laayay ee u dhashay Norway.

Rayi’ uruurintan ayaa waxaa sammeysay hay’ada Sifo waxaana fekradhooda lagu weydiiyay 1 0000 oo Iswidhish ah iyada oo la sammeeyay dhammaadkii bishii Luulyo iyada oo hay’ada Sifo uu sidaasi ka dalbaday wargeyska ka soo baxa magaaladda Göteborg ee la yiraahdo Göteborgs-Posten.

Ra’yi la mid midan oo kale oo laga sammeeyay dalka Norway ayaa waxaa lagu ogaaday in 75 boqolkiiba dadka la weydiiyay su’aalaha ay qabaan aragti ah in xabsi la geliyo Breivik taasi oo ka badan dadka qaba in xarumaha waalida la geeyo.

Jerzy Sarnecki oo ah qabiir ku taqasusay cilmiga Kriminologi ee dambiyada ayaa rumeysan in ra’yi aruurinta ay muujineysa in bulshada ay rumeysan tahay in Breivik  uu mas’uuliyad  ku leeyahay dhaqamdiisa.

Haddaba xukunka maxkamada iyo faahfaahin dheeri ahba kala soco idaacadeena maanta iyo web-ka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".