Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Anders Breivrik oo lagu xukumay 21 sano oo xabsi ah

La daabacay fredag 24 augusti 2012 kl 10.12
Foto: Heiko Junge/Scanpix.

Maxkamad ku taalla dalka Norway ayaa ku xukuntay Anders Behring Breivik oo ah ninkii sanadkii hore xasuuqa ka geystay jasiiradda Utöya iyo caasimada Oslo xukun ah xabsi ugu yaraan gaaraya 21 sano.

Qaadiga hoggaamineysay maxkamada Wenche Elizabeth Arntze ayaa ku dhawaaqday in Anders Brievrik uu maskax ahaan fayowyahay uuna gelaayo xabsi oo waxay ku xukuntay 21 sano oo xabsi ah ugu yaraan.

Maxkamada ayaa ku heshay Anders Brievrik dambigii loo heystay ee ahaa weerarkii argaixisada ee bishii Luulyo ee sanadkii hore uu ka geystay xarunta dalkaasi Norway ee Oslo iyo jasiirad Utöya oo ay ku shirayaan dhallinyarada xisbiga talada dalkaasi haya iyada oo labada weerar uu ku dilay dad gaaraya 77 qof.

Weerarkaasi ayaa ahaa kii ugu xumaa taariikhda dalka Norway waxii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee adduunka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".