Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qiimaha cuntada oo sare u kacaya

La daabacay fredag 24 augusti 2012 kl 10.16
Foto: Scanpix

Waxaa sare u sii kacaya qiimaha lagu iibsado cuntada ee Iswiidhan inkastoo lacagta karoonka dalka oo sii qaaliyoobaya laga filaayay in uu raqiisiyo cunooyinka dibeda laga keeno ee lagu iibiyo dukaamada cuntada.

Khudaarta liinta ayaa qaali sii noqotay iyada oo sidoo kale la filayo in ay qaaliyoobaan cuntooyinka kale sida burka, boorishka qamadiga ah iyo rootiga iyada oo sabab u tahay dalaga sida galleyda, masagada iyo qamadiga oo caalamka si fiican u soo go'in.

Dadka iyagu ka adeegta suuqayada cuntada ayaa dareemin saameeynta karoonka qaaliga ah uu ku yeeshay qiimaha cuntada.

Johan Zetterqvist oo ka mid ah dadka ku nool Stockholm ayaa sheegay markii karoonka uu qaali noqdo, in loo baahanyahay in sicirka cuntadana ay hoos u dhacdo laakiin isaga uusan waxba ka dareemin qiimaha cuntada.

ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".