Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Aragtiyada laga dhiibtay xukunka lagu riday Anders Brievrik

La daabacay fredag 24 augusti 2012 kl 14.56
Anders Behring Breivik oo taagan maxkamdii maanta . Dhinaca Midig sawir jeelka Ila-fängelset. Foto: Scanpix och Ila-fängelset.

Hoggaamiyaha garabka dhallinyarada ee xisbiga Socialdemokrat-ka Gabriel Wikström ayaa soo dhoweeyay xukunka maxkamada Oslo ay ku riday Anders Behring Brievrik oo ahaa ninkii geystay weerarkii argaixisada ee ka dhacay bartama magaaladda Oslo iyo Jasiirada Utöya.

Gabriel Wikström oo la hadlay wakaaladda wararka TT qeybteeda Norway ayaa yiri "xukunka dhacay waa mid caqli gal ah. Tani micnaheedu waa in weerarkii Oslo iyo Utöya halka lala geebsaday waxuu ahaa mid siyaasadeed oo uu qaaday argagixiste midigta fog ah waxuuna lahaa anjeda siyaasadeed. Waxaan rajeynayaa in xukunka la riday micanihiisa in uu noqodo in ehelada dadkii ku dhintay weerar in ay hore u soo socdaan iyaga oo baroor diiqaya''

Sten Levander, oo isna ah professor ka dhigayay sanado badan dalka Norway sharciga qeybta cilmi nafsiga ayaa sheegay in Anders Brievrik uu xanuunsanyahay uuna hanuunka la yiraahdo schizofreni oo ah xanuun maskaxda ah oo qofka keligii tokoormo waxuuna sheegay in maxkamada ay dooratay sidii ugu sahlaneed marka ay xukuntay Brievrik sida qof fayow, waxuuna Professor-ka la hadlay TTA.

Ali Esbati, oo isna ahaa qofka keliya ee Iswidhsihka ahaa ee joogay Utöya marka uu dhacayay xasuuqa ayaa sheegay ayaa sheegay in uu dareemay istareex markii maxkamada ku xukuntay Brievrik xabsi oo aysan ku xukumin isida nin waalan oo la geynayo xarumaha dadka waalan.

TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".