Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Högutbildade greker söker sig till Sverige

Dadka tacliinta sare leh ee Giriiga oo u soo guuraya Iswiidhan

La daabacay måndag 27 augusti 2012 kl 09.32
Foto: Scanpix

Mashaakilka dhaqaale xumo ee ka jira dalka Giriiga ayaa horseedeeya in dadka tacliinta sare heysta ee dalkaasi in ay shaqooyin ka soo doontaa dalka Iswiidhan iyada oo ku dhowaad 100 dhaqtar oo u dhalatay dalkaasi ay ka heleen Iswiidhan ruqsada shaqada dhaqtarnimada ee Iswiidhan.

Waxuu dalka Giriiga uu noqday dalka ay ka soo jeedaan dhaqaatiirta ugu badan ee ka howl gala Iswiidhan ee ka yimaada dalalka kale yurub marka laga reebo dhaqaatiirta wadamada waqooyiga Yurub.

Injineerada ayaa sidoo kale ah shaqooyinka tacliinta sare ee sida aadka ah loogu baahanyahay Iswiidhan.

Peter Karanci oo ah la teliye ka tirsan ururka EURES oo ah shabakad ay ku mideysan yihiin xafiisyada shaqada qaarada Yurub ayaa sheegay in dalka Iswiidhan ay ka jirto shaqaale la’aan xagga injineerada ah isaga oo sheegay in Iswiidhan aysan ka jirin dad badan oo jaamacada kaga soo baxay cilmiga injineeriyada.

Charis Katsakakis  oo ku cusub Iswiidhan ahna injineer koronto oo ka soo jeeda magaalada Athens ee dalka Giriiga ayaa sheegay in dalka Iswiidhan uu ku arko fursado wanaagsan oo shaqo ah.

Tirakoobka waaxda socdaalka ee Migrationsverket ayaa muujinaya in ay sii laba laabmeen tirada dadka Giriiga ee iska diiwaan geliyay waaxda socdaalka sanadkii  2011 marka lala bar bar dhigo sanadkii hore.

Aqooyahanada heysta tacliinta sare ee ka soo jeeda Giriiga ayaan u baahneyn in ay si fiican u yaqaanaan ama ay ugu hadli karaan luuqada Iswidhishka si faseex ah sida uu sheegay Peter Karanci laakiin dadka aqoonta laheyn ee isla dalkaasi ka soo tegay ee Iswiidhan yimid ayaa ka deyrinaya nolosha.

Vladimiros Pavlides oo 25 jir u dhashay Giriiga oo Iswiidhan yimid sanadkii hore ayaa sheegay in nolosha uu ka helay Iswiidhan in aysan aheyn mid farxad gelisay.

Waxuu sheegay in shaqo nadaafad ah uu helay oo ah maalin nuskeeda lacagta uu shaqeystana ay si dirqi ah ugu filan tahay cuntada iyo kirada qolka uu deagnyahay wauu sheegay in dalka Giriiga rajo oo dhan in aysan jirin balse halkana aysan fududeyn nolosha isaga oo sheegay in ay haboon tahay in uu isaga laabto dalkiisa.

Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".