Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hoggaamiyaha xisbiga Sooshiyaalka oo jeediyay khudbadiisa xagaaga.

La daabacay måndag 27 augusti 2012 kl 11.10
Stefan Löfven iyo madaxda sare ee xisbiga S oo isku yimid iyada oo da'ayo roobt. Foto: Jessica Gow/Scanpix.

Hoggaamiyaha xisbiga Sooshiyaal Dimoqraadiga Stefan Löfven oo jeediyay khudbadiisa xilliga xagaaga ama kuleylaha maalintii Axada ayaa sheegay in xisbigiisa uu doonayo in la yareeyo ama la baabi’iyo mas’uuliyada mushaharka xanuunka ee shirkadaha siiyaan shaqaalahooda xanuunsada.

Ka hor khudbadiisa xagaaga, Stefan Löfven waxuu soo jeediyay hidsa ah in la baabi’iyo ceymiska mushaharka xanuunka ee asbuuca labaad.

Miisaaniyada deyrta ee xisbiga Sooshiyaal Dimoqraadiga ayaa waxaa ka mid ah hindisaha ah in aan loo baahneen in shirkadaha bixiya shaqada bixiyaan mushaharka toddobaadka labaad ee xanuunka oo ah mushahar ay bixiyaan shirkadaha markii uu qof u shaqeeya uu xanuunsado.

Löfven ayaa sheegay in hanaankan in shirkadaha bixiyaan mushaharka xanuunka toddobaadka labaad in uu yahay mid shirkada badan shaki ka gelinaaya in ay qortaan dadka lagu sheego jirooyin fara badan sidaasi daraadeedana ay tahay in mas’uuliyada arrintaasi in ay qaado dowlada.

Hanaankan ayaa waxaa la dhaqan geliyay sagaashamaadkii iyada oo ujeeadad laga lahaa ay aheyd in shirkadaha hagaajiyaan qaabka caafimaadka iyo samafalka ee shaqaalahooda hase yeeshee Stefan Löfven ayaa sheegay in qorshahaasi sidoo kale uu wato saameeyn kale oo wanaagsan sida shirkadaha ka fogaadaan in ay shaqaaleystaan dadka heysata diiwaan xanuun.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".