Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kaamarooyinka xawaaraha gaadiidka oo la kordhin doono

La daabacay måndag 27 augusti 2012 kl 12.00
Foto: Vägverket.

Hay'ada gaadiidka ee Trafikverket ayaa ku rakibi doonta sanadkan waddooyinka baabuurta ee dalka kaamarooyin cusub oo ah kuwa xawaaraha oo gaaraya lix boqol oo kaamaradood iyada oo sidoo kale hay'ada hoos u dhigi doonta xawaaraha baabuurta ee dhowr wado, sida uu soo qoray wargeyska SVD.

Muddo lix sano laga joogo ayaa waxaa si weyn loo kordhiyay kaamarooyinka xawaaraha ee lagu rakibo waddooyinka ay isticmaalaan baabuurta iyada oo ganaaxa lacageed ee ka soo xaroodana uu kordhay.

Ka dib markii la kordhiyay kaamarooyinka lagu xiro wadooyinka mudadaasi lixda sano ka dib ayaa waxaa la helay natiijooyin wanaagsan oo ah in xawaaraha ay ku socon jireen baabuurta oo hoos u dhacay iyo shilalka dhimashada ee baabuurtana oo iyan yaraaday hase yeeshee waxaa hadda sare u soo kacay baabuurta ku socota xawaaraha saa'idka ah taasi oo wel wel ku heysa hay'ada gaadiidka ee Trafikverket sida uu soo qoray wargeyska Svenska Dagbladet.

SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".