Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Siyaasi ka tirsanaa xisbiga Sverige Demokrat oo ka tegay xisbigaasi

La daabacay måndag 27 augusti 2012 kl 15.45
Astaanta xisbiga Sverigedemokrat. Foto: Jessica Gow/Scanpix.

Sven-Erik Karlsson oo ka tirsanaa xisbiga dhaleeceeya siyaasadda soogalootiga Iswiidhan ee Sverigedemokrat ayaa isaga baxay ama ka tegay xisbigaasi ka dib markii muran xoog badan uu ka dhashay hadal uu jeediyay oo ku taageeray dhalinyaro kadeed iyo cunsuri la beegsaday Soomaalida degan degmada Forserum ee gobolka Småland.

Ninkan oo laga soo doorto degmada Högsby ayaa hore sidan oo kale waxuu kiciyay mojwado muran ah ka dib markii faallo uu ku qoray web la yiraahdo avpixlat, halkaasi oo ku sheegay in uu doonayo in magan gelyo uu ka siiyo Iswiidhan Iswiidhan Anders Behring Breivik oo ah dilaa neceb soo galootiga oo 77 ruux ku dilay dalka Norway.

Xisbiga Sverige Democrat ayaa iska fogeeyay hadalkaasi laakiin markan ayaa waxuu dhaliyay mowjad muran ah ka dib markii uu taageeray dhibka lagu hayay Soomaalida Forserum.

Sven-Erik Karlsson waa 77 jir waxuuna goob joog uu ka ahaa markii xisbiga qeybtiisa Högsby la dhisay.

Svt Nyheter

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".