Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Digniin Muhiim ah : Warshad ku gubatey Örnsköldsvik ayaa qiic badani ka baxayaa ee dadka aagaas daganow ka taxadara.

Nin lagu helay dambi dil kama ah magaalada Malmö

La daabacay måndag 27 augusti 2012 kl 16.15
Goobta uu ka dhacay dambiga. Photo: Johan Nilsson/Scanpix

Maxkamada degmada Malmö ayaa xukun saddex sano ah ku riday nin 20 jir ah oo hore gaari ku jiirsiiyay qof jiray 60 sano oo baaskiil ku watay bartamaha magaaladaasi bilowgii bishii Juun iyada oo dacwad oogayaasha ay rabeen xukunka dheer midka lagu riday ninkani.

Ninkan 20 jirka ayaa lagu helay dambiye isugu jira dil kama ah, waxyeelo dhaawac jireed, gaari wadid mas’uuliyad dara ah iyo dambi isticmaal daroogo.

Ninkan ayaa lagu waayay dambi ah ka soo gudbiyeen kooxaha xeer ilalaaiyaasha oo ah ahaa isku day dil boolis hase yeeshee waxaa sidoo kale lagu xukmiyay in uu bixiyo lacag gaareysa 195 000 doolar oo ah magdhaw la siinayo sideed ruux oo wax yeelo ka soo gaartay gaarigiga uu waday.

Dacwad oogayaasha ayaa doonayay in ninkan lagu rido xukun xabsi u dhaxeeya 7 ilaa iyo sideed sano hase yeeshee maxkamada ayaa u aragtay in saddex sano ku filan tahay dambiga uu gala.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".