Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Beerdarada hay'adaha dowligaa

La daabacay tisdag 28 augusti 2012 kl 09.37
Foto: Erik Mårtensson / Scanpix.

Maalmahaan waxaa ay saxaafada Iswedhen baahinaysay fashilaado la xiriira hay'ado badan oo dowliya oo ku beerdareeyey malaayiin karoon lacagta dadweynaha xaflado iyo casumaad. fashiladaan oo hormood u ahaa wargeyska DN waxaa kamid ah hay'adaha dowligaa ee la fashilay, AP-Fond, Vinnova, Tillväxtverket, SSF iyo hay'ada nabad sugida qaranka Säpo. Xisbiga Mucaaradka ah ee Socialdemokaratiga ayaa hada ka dalbanaya dowladaa in ay dhamaan hay'adaha dowligaa daba-gal ku sameeyo.

Morgan Johansson oo ah afhayeenka gudiga sharciyada barlamaanka Iswedehen ayaa qaba in hay'adaha dowligaa ay ka baxeen faraha xukumada dalka ka talisa.

- Waa wax iska cad in arintaan taahy mid u baahan wax ka qabash. Xukumada hay'adaha dowligaa faraheeda ayey k baxeen. xukumado waa in ay wax ka qabataa arintaan oo ay hay'adaha mid mid ula hadashaa.

Ka sakow la hadlid, xisbiga soshiyaaldemokaratiga waxay doonayaan in guud ahaan hay'adaha lagu sameeyo baaritaan iyo daba-gal.

- Waxaan doonaynaa in xumymada sameyso baaritaan guud oo dib ufiiriso bal sida ay hay'adaha u howl-galaan, ayuu yeri Morgan Johansson.

Xogta: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".