Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Warbixintii siyaasadda ammaanka dalka oo berito la soo ban-dhigi doono

La daabacay torsdag 30 maj 2013 kl 13.19
Dayuuradaha dagaalka ee Su-27- Sawirle: Philippe Lopez/Scanpix.

Guddiga ka soo baaran-degga difaaca ayaa berito soo ban-dhigi doona war-bixintii shanta sannadood ee ugu horeeysay, middaasina oo la xiriirta siyaasadda ammaanka dalka, iyada oo ey weliba fikirradoodu aad u kala fog yihiin labada xisbiga ee dalka ugu dhumucda weyn Sooshiyaal-dimoqoraadiga (S) iyo Mudaraatku aragtidooda la xiriira dardar-gelinta hubeeynta ciidan ee dalka Ruushka.

Xisbiyada ayaa ka mideey-san inuu dalka Ruushka ka jiro tallaabooyin lagu hubeeyneyo ciidammadooda qalabka sida, hase yeeshee ku kala duwan yihiin halista uu dalkani u leeyahay falkaa. War ka soo baxay laanta wararka ee ekot waxaa lagu sheegay in xisbiyada Mudaraatka iyo Bidixdu hoos u dhigeyaan khatartaa, halka ey xisbiyada Sooshiyaal-dimoqoraadiga iyo Shacabku weyneyneyaan.

Isha//Ekot

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".