Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shilalka ka dhaca shaqada oo kor u kacey muddo saddex sannadood ah

La daabacay torsdag 30 maj 2013 kl 14.30
Halista shaqaalaha waddooyinka

Sannadkii saddexaad ayey kor u kacayaan dacwadaha ka yimaada shilalka ka dhaca goobaha shaqada, waana arrin loo baahan yahay in loo arko halis, sida lagu sheegay war ka soo baxay hayadda bayadda goobaha shaqada.

Tirada dacwooyinka laga gudbiyo shilalka ka dhaca goobaha shaqada ee saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey ayaa ka kacey 82 000 illaa iyo 89 000.

Boqolkii afartan shilalka goobaha shaqada ayaa la xiriira dhaawacyada culeeyska la qaado oo inta badan la xiriira goobaha shaqada ee adeegyada bulshada, waana halka kor u kacu ka jiro.

Margareta Granda-Berg, ahna wakiilka bayadda ee maqaayado dhowr ah ayaa sheegtay iney sannadihii ugu dambeeyey sii adkaatay xaaladda bayadda ee goobaha shaqada:
- Shaqa-bixiyuhu uma arko shaqaalaha shakhsi, waxaa u muuqda oo keliya gacmaha shaqeeyneya. Mana ahan mid la qiimeeyo in in dadku ku kala duwan yihiin dareenka.

Isha/ Ekot

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".