Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Maxkamadda EU-da oo ganaax ku ridey dawladda Iswiidhen

La daabacay torsdag 30 maj 2013 kl 15.30
Ganaax lagu riday Iswiidhen. Sawirle: Scanpix

Maxkamadda EU-da ayaa dawladda iswiidhen ku riday ganaax gaarsiisan saddex malyuun oo ah lacagta euro-oga, iyadoona sabab uga dhiftay in dalkani aanu in muddo ah hir-gelin xeerka khuseeya diiwaan-gelinta keeydka ee aaladda internet-ka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed.

Wareegtadan ayaa oranaysa in shirkadaha telefoonnada mobaaylka iyo internet-kuba ey war-bixintooda keeydiyaan si haddii loo baahdo ey ciidanka ammaanku u isticmaali karaan baaritaannada dembiyada culculus, iyadoona uu dalkani muddo afar sannadood ah dib uga dhacay hir-gelinta wareegtadaa. Dalka Iswiidhen ayaa wareegtadaa hir-geliyey sannadkii tagay.

Maxkamadda ayaa diiday inay aqbasho sharraxaaddii dalkani ka bixiyey iyo inay sabab u ahayd doodaha ballaaran ee ka taagnaa middaa oo muddo qaadatay.

Isha/ TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".