Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkadda macaadiinta Northland oo u muuqata in la badbaadiyey

La daabacay torsdag 30 maj 2013 kl 17.30
Agaasimaha guud ee shirkadda Northlands Karl Axel Waplan oo rumeeysan in shirkaddu howsheeda dib u bilaabi doonto si dhakhsi ah. Sawirle: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Shirkadda Northland ee macaadiinta ka qodda godka Kaunisvaara oo dhaca bannaanka magaalada Pajala oo howlaheedii la joojiyey muddo iminka toddobaad laga joogo dhaqaale-darro aawadeed ayaa u muuqata mid laga badbaadiyey busaaraddii.

Iyadoona middaasi ugu wacan tahay iney shirkadaha Folksam ee ceeymiska, Mesto oo laga leeyahey dalka Finland, shirkadda LKAB qeybteeda Norrskenet iyo shirkadda dhismaha ee Peab ey go'aansadeen iney ku maal-geliyaan

Shirkadda Northland Resources miisaaniyad dhan 665 malyuun oo koronka iswiidhishka ah.

Godka macdanta laga qodo ee Kaunisvaara ayaa shaqada laga joojiyey jimcadii ina dhaaftay, hase yeeshee la fileyo in sida ugu dhakhsiyaha badan ee heshiiyadu u dhammaadaan shaqada dib loogu soo celiyo bilowga toddobaadka foodda innagu soo haya, sida uu sheegay masuul ku hadlayay magaca shirkadda Northland.

War-bixinta ayaa la soo ban-dhigay habeen-nimadii arbacada, middaasina oo ka dambeeysay wadahadallo muddo qaatey oo la lahaa.

Isha/ Ekot

                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".