Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Soomaalida iyo siyaasadda Iswiidhen

La daabacay torsdag 30 maj 2013 kl 16.04
Soomaali siyaasiyiin ka noqday degmooyin ku yaal Iswiidhen.
(4:05 min)

Waxaa sanooyinka ugu dambeeyey soo kordhayey dadka Soomaali ah oo sida firfircoon uga dhexmuuqda xisbiyada siyaasadda ee Iswiidgen ka jira. Qaar ka mid dadkaas ayaa jagooyin ka gaaray laamaha xisbiyada ee degmooyinka. Waxaa dadkaas ka mid ah Xamsa Cumar oo loo doortay hoggaamiyaha xisbiga Dhexe ama Centern ee degmada Fagersta iyo Mursal Ciise oo isagana bishii Maarso ee sannadkaan 2013 loo doortay hoggaamiyaha xisbiga Doogga ama Miljöpartiet ee degmada Borlänge.

                                                                                                              

Laanta af-Soomaaliga ee Raadiyaha Caalamiga ee Iswiidhen ayaa raggaan Soomaalida ah waraysi kala yeeshay arrimo badan oo taabanaya wixii ku dhaliyey in ay xisbiyada qayb firfircoon ka qaataan iyo hadafkooda siyaasadeed.

Haddaba maxaa la oran karaa sabab ayey u tahay in dad Soomaali ahi ay jagooyinka ka qabtaan laamaha xisbiyada ee degmooyinka. Mar aan su’aal weyddiinney Xamsa Cumar, wuxuu ku jawaabay:

Mursal Ciise ayaa isaguna ka jawaabay sababtii uu u doortay in uu ka qaybqaato siyaasadda xisbiga Doogga.

Qowmiyadda Soomaalidu waxay ka mid tahay dadyowgii soo galay dalkaan labaatameeyadii sano oo ugu dambeeyey. Waxaana mooddaa in ay caado noqotay in dadka Soomaalida lagu sifeeyo kuwo ay ku adag tahay dhexgalka iyo la jaanqaadka bulshada iswiidhishka. Haddaba maxay saamayn keeneysaa in dad Soomaali ahi ay ka qaybqaataan hawlaha bulshada oo weliba kaalin firfircoon ka galaan siyaasadda dalka? Waa kan Xamsa Cumar oo arrintaan wax ka yiri.

Xisbiyada siyaasaddu waxay mar walba dadaal ugu jiraan in ay badsadaan dadka taabacsan iyo xubnahooda. Haddaba miyaan la oran karin doorashada labadaan nin waxay la xiriirtaa in la helo codka dadka ajnebiga guud ahaan ama gaar ahaan Soomaalida? Waa kan Mursal Ciise oo jawaab ka bixinaya.                                                

                   abdikani.kadawo@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".