Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Isbedelka ku yimid fikirkii nidaamka tacliinta ee xisbiyada S iyo Mp

La cusbooneeyay fredag 31 maj 2013 kl 15.24
La daabacay fredag 31 maj 2013 kl 10.30
In goolka iskuulladu noqdo tacliin wanaag-san oo ey dhallaanku helaan
(2:19 min)
Ibrahim Baylan iyo Gustav Fridolin, waxey heshiis ku yihiin is-bedelka nidaamka tacliinta ee iskuullada madaxa bannaan . Sawirle: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Iyada oo ey toddobaad oo keliya ka soo wareegtay kolkii ey lix xisbi ee xubno ku leh mudeneyaasha baarlamanku go'aan wada-jir ah ku gaareen sidii loo xakameeyn lahaa nidaamka tacliinta ee dalka iyo iskuullada madaxa-bannaan ama mulkida loo leeyahay ayey xisbiyada mucaaradka ee Sooshiyaal-dimoqoraadiga iyo xisbiga Dooggu ku dhawaaqeen iney damac-san yihiin sidii nidaamkaa wax looga bedeli lahaa haddii ey gacan ku dhigaan hoggaanka dalka doorashada dhici doonta sannadka foodda innagu soo haya 2014. Labada xisbig ayaa ku mideey-san iney dhaqan-geliyaan xeer ka dhigaya in goolku yahay tacliinta ee aanu ahayn macaashka.

- Waa mid aan runtii rajeeynayo. Way wanaagsanaan lahayd in goolka tacliinta looga gol leeyahay ardayda uu yahay sidii ey u heli lahaayeen suurtagalka ugu wanaag-san ee tacliineed, sida uu sheegay Ibrahim Baylan, af-hayeenka siyaasadda tacliinta ee xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga.

Labada xisbi ee S iyo MP ayey ahaayeen labada xisbi ee suurtageliyey in la abuuro guddi qarameed amuurtan ka soo baaraan-dega iyo sidii xeer xaddida looga soo saari lahaa. Gustav Fridolin, kana mid ah labada hogaamiye ee xisbiga Doogga ayaa sheegay in aanu xeerku khuseeyn doonin oo keliya dugsiyada madaxa-bannaan ee la abuuri doono mustaqbalka iyo sidoo kale dugsiyadii madaxa bannaanaa ee horey dalka uga jirey:
– Waa macnaha ka dambeeya xeerka noocan ah iyo inuu saameeyo dhammaan.

Toddobaadkii hore ayay ahayd kolkii ey lix xisbi oo ka soo kala jeeda garabyada Bidixda iyo Midigtu heshiis loo dhan yahay qalinka ku wada duugeen, midkaasina oo la xiriiray iskuullada madaxa bannaan. Is-bedelkan iyo in xeerka wax laga bedelo siduu u saameeyn heshiiskii aad horay u gasheen?
– Haddii wax walba iyo maado walba horay go’aan looga wada gaaro, muxuu marka u taagan yahay nidaamka dimoqoraadigu, sida uu sheegay af-hayeen siyaasadda iskuulka ee xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga Ibrahim Baylan.

Isha/ Ekot

                                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".