Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Doodda baarlamanka ee rabshadihii ka dhacey xaafadda Husby

La daabacay fredag 31 maj 2013 kl 10.05
Jimmie Åkesson, hogaamiyaha xisbiga SD. Sawirle: Ola Torkelsson/Scanpix.

Xarunta baarlamanka ayey maanta ka dhaceysaa dood la xiriirta rabshadihii dhowaantan ka biloowdey xaafadda Husby iyo qaar ka mid ah xaafadaha ku yaala duleedka magaalada Istockholm iyo magaalooyinka kale ee waaweyn qaarkood.

Dooddan oo uu codsaday xisbiga siyaasaddiisu ku saleey-san tahay midigta fog ee Sverige-demokrat-ka ayaa ah middii shanaad oo ka mid ah lix mooshin ee baarlamanku u ogolaaday lana xiriirta arrimmaha soo-galootiga.

Fiidnimadii axadda bishuna ahayd 19-ka maajo ayaa dabab ka dhashay nawaaxiga xaafadda Husby ey ciidanka ammaanka iyo dab-damisku u tageen goobtaa sidii ey ammaanka u sugi lahaayeen.

Isha/ SvD

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".