Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Isticmaalka sigaarka iyo tubaakada ee dhallaanka oo hoos u sii dhacaysa

La daabacay fredag 31 maj 2013 kl 13.05
Sawirle: Sara Hector/Sveriges Radio

War-bixin hor leh oo oo uu soo saaray guddiga dhexe ee ku war-gelinta khamriga iyo muqaadaraadka ayaa lagu sheegay inay weli halkeedii ka sii socoto hoos u dhaca ku imanaya ardeyda dhigata fasallada sagaalaad ee isticmaasha sigaarka iyo tubaakada. Waana tiradii ugu hooseeyey wixii ka dambeeyey kolkii tira-koobkan la bilaabey oo ey iminka ka soo wareegtay muddo afartameeyo sannadood cagacageeyneysa.

Isticmaalka tubaakada ayaa hoos u dhacday qiyaastii afar boqolkii intii u dhexeeysay sannadihii 2010 illaa iyo 2012.

Dhallaanka leh waalidiinta isticmaasha sigaarka iyo tubaakada ayaa kaga badan isticmaalkooda kolka loo barbar-dhigo dhiggooda oo aaney waalidiintoodu isticmaalin, sida war-bixinta lagu caddeeyey.

Isha/ DN

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".