Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkadda John Bauer oo xirtay iskuulladii ey maamuli jirtay

La daabacay fredag 31 maj 2013 kl 14.09
Dugsiga sare John Bauer ee magaalada kalmar. Sawirle: Simon Leijnse/ Sveriges Radio Kalmar

Shirkadda iskuullada madaxa-bannaan ee John Bauer-koncernen ayaa ku dhawaaqday inay albaabada u laabi doonto dhammaan dugsiyada sare iyo hoose/dhexe ee shirkaddu maamusho.

Waa iskuullo tiradoodu soddomeeyo gaarsiisan yihiin oo ama dhammaantood albaabada loo laabi doono ama ey maamulkooda la wareegi doonaan mulkiileyaal kale. Illaa iyo hadda waxaa la caddeeyey in 25 ka mid ah iskuulladaa ey maamulkooda la wareegi doonaan mulkiileyaal cusub, halka saddex ka mid ahna albaabada loo laabi doono inta lagu guda jiro xilligan kuleeylaha. Middaasina oo saameeyn ku yeelan doonta ardey gaarsiisan 10 000 oo ardey.

Sababta ka dambeeysa ayaa lagu tilmaamey inay tahay tirada dhallaanka oo hoos u sii dhaceeysa iyo miisaaniyadda oo aan ku fileeyn.

Isha/ Ekot

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".