Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Mooshin la xiriira qidmadda shirkadaha yaryar

La daabacay fredag 31 maj 2013 kl 15.16
Anders Borg och Annie Lööf, Foto: Anders Wiklund & Henrik Montgomery/Scanpix

Dawladda ayaa maanta laga filayaa inay la timaado qorshe cusub ee la xiriira xeerka qidmadda ee shirkadaha yaryar ama ey leeyihiin shakhsiyaadka faro ku tiriska ah, kadib iyada oo qorshii dawladda ee midkan ka horeeyey ay iska dheereeyeen hogaamiyeyaasha guddi-hoosaadyada manaafacaadka iyo dhaqaalaha ee baarlamanka.

Mooshinkan cusub ee dawladda oo ey si wada-jir ah u soo ban-dhigi doonaan wasiirrada Anders Borg, dhaqaalaha iyo Annie Lööf, manaafacaadku, midkaasina oo lagu xadideyo saqafka shuruudda mushaarooyinka oo lagu ekeeynayo caddad-lacageedka gogol-dhigga 40 jeer, waxa afkan lagu yiraahdo "basbelopp", sida uu maanta qoray war-geeyska DI - Dagens Industri.

Shirkadaha yaryar ayaa maanta suurtagal u leh iney dhaqaale ka helaan shirkadahooda siyaabo ka duwan halkii mushaar ahaan ey u qaadan lahaayeen, middaasina oo qidmaddu ka sarreeyso. Waana midda mooshinka la dooneyo in lagu xakameeyo.

Isha/ Dagens Industri

                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".