Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Uubato lagu kharashgareeyey miisaaniyad ah 7,4 malyuun oo koron

La daabacay fredag 31 maj 2013 kl 16.45
Uubatada Unsele oo miisaaniyad badani kaga baxday bulshada sidii loo badbaadin lahaa

Bulshada dalka ayay kaga baxday kharash gaarsiisan 7,4 malyuun oo koron intii lagu jiray xilligii qaboobaha sidii loo badbaadin laha uubato dalka caan ka noqotay ee lagu magacaabey Uubatada Junsele, sida ay shabakaddeeda internet-ka ku qortay hayadda badbaadada beeyadu.

Kharashka ku baxay uubatada ayaa badankiis lagu bixiyey mag-dhow lagu siiyey xoolaleyda ku dhaqan tuulooyinka qowmiyadda Saamiga oo ay uubatadu ku wax yeeleeysay xoolahooda iyo hayadda hoggaan-goboleedka. Iyadoona kharashkaa laga saaray khasnadda hayadda ee loogu talo galey howlaha dhowrista qiimaha cimilada.

Isha/ Ekot

                                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".