Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Miisaaniyad lagu kala saareyo darajada iyo mushaarka macallimiinta

La daabacay fredag 31 maj 2013 kl 18.04

Waxaa shaaca laga qaadey degmooyin iyo iskuullada madaxa-bannaan ee nasiibka u yeeshay iney saami ka helaan dhaqaale gaarsii-san 165 malyuun iyo sidii loogu miisaaniyad gelin lahaa kor u kaca mushaarooyinka macallimiinta 5 illaa iyo 10 000 oo koron bishii iyada oo la marineyo nidaamka dallac-siinta cusub.

Miisaaniyaddan ayaa loogu talo galey ugu horeeyn 4 000 oo macallimmiin ah.
Miisaaniyadan 165 malyuun ee koron ayaa ka mid ah qorshe dawladdu ugu talo-gashay illaa iyo sannadka 2016, midkaasina oo gaarsiisan 2,3 bilyan oo koron.

Sidoo kale sidii lagu abuuri lahaa laba nooc oo cusub, kana mid ah darajo ka duwan oo ka lagac badan mushaarka uu qaato baraha caadiga ah.

Degmooyinka ayaa looga fadhiyaa dalabka miisaaniyaddaa sannadka foodda innagu soo haya xilliga dayrta.

Isha/ TT

                                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".