Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Degmooyin cabasho ka muujiyeydhaqaale darro howlaha soo galootiga

La daabacay fredag 31 maj 2013 kl 18.50
Degmooyinka xoogga geliya howlaha soo galootiga waan miisaaniyad gelin doonnaa
(2:56 min)
Sawirle: Drago Prvulovic/Scanpix

Maqaal maanta lagu soo daabacey war-geeyska maalinlaha ee SvD boggiisa doodda ayey mamullada toban degmo oo ka mid ah degmooyinka dalku ugu soo ban-dhigeen dawladda sidii ay gacan uga geey-san lahayd dhaqaalle lagu miisaaniyad geliyo howlaha mideeynta qaraabada kala maqan.

Maamullada degmooyinka ayaa maqaalkooda ku sheegey in miisaaniyadda dawladdu u qoondeeysay sidii ey ku gudan lahaayeen hoowlahooda ay tahay mid hooseeysa oo aan ku fileeyn. Isla-markaana sheegey in loo baahan yahay in dawladdu masuuliyad dheeri ah iska saarto hoowlaha soo-galootiga iyo siyaasadda is-dhex-galka la xiriira.

Qaar badan ee ka mid ah qaraabada la mideeyneyo ayaa u deggan si ciriiri ah iyadoona aaney helin taageero ku filan ee dhanka wax-barashada oo ay ugu wacan tahay taageerada hooseeysa ee loo fidiyo, sida maqaalka lagu daabacey.

Hase yeeshee uu wasiirka is-dhex-galka Erik Ullenhag oo u warramayey saaka idaacadda Iswiidhen laanteeda P1 sheegay inay dawladda uu xubinta ka yahay ay baaritaan ku sameeyn doonto sidii xilliga miisaaniyadda dayrta dhaqaale dheeri ah loogu fidin lahaa degmooyinka masuuliyad dheeri ah iska saarta hoowlahaa:
- Waxaa jira degmooyin dhowr ah. Haddii aan tusaale u soo qaadano degmada Södertälje waxaa la soo gudboonaatay caqabad weyn ee la xiriirta dhanka qaabilaadda soo-galootiga sannadihii ugu dambeeyey. Gunta haddii loo daadago masuuliyadda siyaasadda soo-galootiga waxaa iska leh dawladda. Iyada oo ay dawladdu dhanka kale masuuliyad ka ballaaran dusha u ridatay dhowrkii sannadood ee ugu dambeeyey.

Midda ku saabsan iskuullada waxaa la aamin-sanaa fikir khaldan, sida uu sheegay wasiirku:
- Waxaa naga dhaadhac-sanaa in dhallaanka dalkan ku yimaada da'da 10 - 12 jirka ey muddo dhowr sanno ah ku gaari karaan heer ey ku qaatan shahaadooyin wanaag-san. Annaga oo taa maskaxda ku heyna ayaan iminka ku tallaab-saneynaa is-bedello wax ku ool ah oo ku saabsan habkii loo qaabili lahaa dhallaanka soo-galootiga da'da 10 iyo wixii ka badan. Degmooyinka ayaa lagu taageeri doonaa dhaqaale dheeri ah sidii ey u heli lahaayeen dhallaankaasi saacado dheeri ah oo ey ku dhigtaan tusaale ahaan xiisadaha barashada luuqadda iswiidhishka. Waxaan kaloo aan albaabka u furney suurtagalka ah in la kordhiyo sannadaha waajibka ah ee la dhigan karo iskuulka. Malaha way ka wanaag-san tahay in sannad dheeri ah la dhigto iskuulka , halkii loogaga bixi lahaa shahaado aan dhammeyn.

Ilaha/ Svd, P1 Morgon

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".