Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xadidaada taageerad dhaqaale ee loo fidiyo xisbiyada

La daabacay måndag 3 juni 2013 kl 09.35
Sawirle: Fredrik Sandberg/Scanpix.

Dawladda ayaa soo jeedisay fikir lagu joojineyo taageerada dhaqaale ee la siiyo xisbiyada, qaasatan kuraasta aan xil-dhibaannada loo heyn ee xubnaha maamullada deegaanka.

Sidoo kale waxay dawladdu soo ban-dhigtay fikir oranaya in taageerada dhaqaale ee loo fidiyo xisbiyada loo isticmaalo oo keliya hor-u-marinta nidaamka dimoqoraadiga ee degmooyinka ee aan lagu miisaaniyad gelin hoowlaha qaranka ee xisbiga iyo sidoo kale in la waajibiyo in xisbiyadu ka soo war-bixiyaan abka loo isticmaalo taageerada dhaqaale ee la siiyo.

Xisbiga ay siyaasaddiisu taabac-san tahay middigta adag ee Sverigedemokaraatiga (SD) ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey uu soo gaarey taageero dhaqaale badan ee kuraasta 50-ka ah ee aaney jirin cid xisbiga u metesha sida magaalooyinka Eskilstuna oo ey lix kuraas uga bannaan yihiin iyo Ulricehamn, Trollhättan iyo degmada Alvesta oo ey min saddex kursi uga bannaan yihiin.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".