Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qof ayaa u dhintay dhaawacii ka soo gaaray shilkii waddada E18/E20

La daabacay måndag 3 juni 2013 kl 12.23
Sawirle: Andreas Morén/Sveriges Radio.

Hal qof ayaa u geeriyoodey dhaawacii ka soo gaaray shilkii baabuur oo saaka dhacay meel ku taal waddada E18/E20 oo u dhexeysa magaalooyinka Örebro iyo Arboga. Shilku wuxuu ka dhacay waddada ku wajahan magaalada Arboga. Waxaa horey loo sheegay in afar qof aye soo gaareen dhaawacyo halis ah, dadkaas oo hadda midkood geeriyoodey.

Waxaa halkaas dhaawacyo fududi ku soo gaareen tobaneeyo qof, halka ay kuwo badanna argagax ku dhacay.

Baabuurtii isku dhacday waxay ahaayeen labo bas oo ah kuwa dalxiisayaasha lagu qaado iyo baabuur booyad ah. Waxaana loo maleynayaa in shilku ka dhashay markii dareewalada baabuurtaas waday ay isku dayeen in ay ka leexdaan baabuur yaryar oo waddada dhexdeeda shil ku gashay. Sidaasna waxaa soo werisey idaacadda P4 Skaraborg.

Mid ka mid ah baabuurta dalxiiska waxaa saarnaa arday ka timid gobolka Skaraborg. Dhawr ka mid ah ardaydaas ayey soo gaareen dhaawacyo fudud oo sarriin ah laakiin ma jirin cid ay soo gaartay dhaawac halis ah.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".