Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xiisaha xirfadda macallinimada waa in sare loo qaadaa

La daabacay måndag 3 juni 2013 kl 12.44

Wasiirka waxbarashada Jan Björklund iyo wakiillo ka kala socda ururka macallimiinta, ururka degmooyinka iyo gobolada iyo wakiilo ka socda dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaa wadajir u soo jeediyey dhawr ra’yi oo lagu xoojinayo xiisaha loo hayo xirfadda macallinimada.

Waxaana ra’yiyadaas ka mid ah in la kordhiyo mushaharooyinka macallimiinta, in la yareeyo hawlaha maamulka oo ay qabtaan, in la kor loo qaado shuruudaha iyo imtixaanada lagu gelayo kulliyadda tacliinta sare ee macallinimada.

Maqaal ay maanta wadajir ugu qoreen bogga doodaha ee wargeyska DN-Debatt ayey ku sheegeen in loo baahan yahay in wadajir looga shaqeeyo sidii sare loogu qaadi lahaa sumcadda macallinimada iyo sidii loo horumarin lahaa dugsiyada dalka.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".