Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xarun Kaabul looga furayo dhallaanka afqaanka ah oo dib loo celiyo

La daabacay måndag 3 juni 2013 kl 16.45
Sawirle: Scanpix. Qaabeynta sawirada: Sveriges Radio.

Hay’adda Socdaalku waxay wadahadallo la leedahay dowladda Afqaanistaan oo ay kala xaajooneyso in sidii magaalada Kaabul looga furi lahaa xarun lagu hayo dhallaanka sharciga degganaanta looga diidey Iswiidhen oo dib loo celinayo.

Xaruntaan waxaa loogu talagalay dhallaanka Iswiidhen sharciga degganaanta looga diido oo iskood ugu noqda Afqaanistaan, laakiin kuwa khasabka loo celiyana waa lagu soo dhoweynayaa.

Ujeeddada laga leeyahay xaruntaan ayaa noqoneysa in dhallaankaan loo diyaariyo inta aan lagu sii dhex siideyn bulshada.

Waxaa la qorsheeyey in dhallaankaasi halkaas joogaan dhawr toddobaad, laakiin haddii aysan lahayn wax ehel ah waxaa halkaa lagu hayn doonaa ilaa inta ay ka qaangaarayaan.

Qorshahaan xarunta lagu haynayo dhallaanka keligood socda wuxuu qayb ka yahay mashruuc ay Hay’adda Socdaalku laba sano ka hor la bilowday dhiggeeda ka socda dalalka Noorwey, Biritaaniya iyo Hollaand.

Waxaa go’aanka waxqabadkaan aasaas u ah dhallaanka keligood socda oo magangelyo ka dalbanaya dalalka Yurub oo sanooyinkii dambe soo kordhayey.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".