Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hubka halista oo dunida ku soo kordhaya

La daabacay måndag 3 juni 2013 kl 17.15
Sawirle: Saurabh Das/Scanpix

Saddexda dal ee Shiinaha, Hindiya iyo Bakistaan oo ka mid ah waddamada haysta hubka halista ah ayaa saddexdii sano oo ugu dambeysey kordhinayey hubka halista oo ay haystaan. Sidaasna waxaa maanta lagu soo bandhigay warbixintii sannadka oo uu sannadkiiba mar soo saaro machadka cilmi-baarista nabadda oo ku yaal Stockholm loona soo gaabiyo Sipri.

Sipri waxay sheegtay in isku daygii lagu doonayey in lagu yareeyo ama dhimo hubka kiimikada iyo biyoolojiyada ah aan guul wanaagsan laga gaarin.

Machadka Sipri wuxuu muddo dheer u doodayey in dhammaan hubka dadka badan dila laga ciribtiro dunida.

Isha: Ekot

RAADRAAC

Machadka cilmi-baarista nabadda oo loo gaabiyo SIPRI (Stockholm International Peach Research Intstitute) waa machad caalami ah oo madaxbannaan, oo daraasad ku sameeya arrimaha la xiriira nabadda iyo iska-hor-imaadyada iyadoo uu culeyska saarayo dhimista iyo xaddadida hubka halista ah. SIPRI waxaa la asaasay sannadkii 1966, waxaana asaasay raysalwasaarihii waqtigaas Tage Erlander oo ugu talagalay in lagu xuso 150kii sano oo ay Iswiidhen ku jirtay nabadda joogta ah. Machadka oo ay maamusho hay’ad samafal waxaa qaybta ugu weyn lagu maalgeliyaa lacag ay u qoddeysey wasaaradda arrimaha dibeddu.

Isha: Nationalencyklopedin

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".