Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Gudiga dastuurka oo lafilayo in uu dhaleeceeyo Annie Lööf

La daabacay tisdag 4 juni 2013 kl 09.41

Gudiga dastuurka barlamaanka ayaa lafilayaa in uu maanta dhaleeceeyo hogaamiyaha xisbiga Centern Annie Lööf. Dhaleeceynta ayaa salka ku heysta kadib markii warbaxin qalad ah ay siisey gudiga dastuurka mar uu wareysi ayada layeeshay.

Arintaan ayaa markeedii hore soo bilaamatay kadib markii wargeyska Aftonbladet fashiley in wasaarada ay wasiirka ka tahay ee ganacsiga ay baxisey qarash ku baxay xalaflad ay Annie Lööf iyo siyaasiinta ayada la shaqeeya yeesheen. Markii wargeyska Aftonbladet dalbadey in ay arkaan warqadahii lagu bixiyey qarashkaas markaas kadib ayaa waraaqaha loo direy xisbigeeda Centeernpartiet oo laga codsadey in ay bixiyaan qarashka xaflada ku baxay.

Wareysiga uu gudiga dastuurka la yeeshey Annie Lööf ayey waxay u dhiibtey sawir ah in ay aheyd wasaaradeeda waxa arintaan baarintaanka ku sameeyey oo ayna aheyd ruuxa amray in wasaarado baarto arintaan.

Waxayna in arinto sidaas tahay cadeyn ka dhigatey in ruux ka howlgala wasaaradeeda uu "ok" ku qoray warqada qaansheegadka maalmo ka hor inta uusan wargeyska dalbanin in uu arka waraaqahan.

Laakiinse waxaa cadaatey in arintaas aysan run aheyn.

Waxaa cadaatey in qoralka "ok" bilowgii bishii Juni 2012, taas oo wax badanka fog sheegashada Annie Lööf ee ah maalmo ka hor inta usan wargeyska Aftonbladet dalban waraaqahan.

Peter Eriksson oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet islamarkaana ah gudoomiyaha gudiga dastuurka ayaa u arkaan arintaan in ay tahay mid halis ah

- Waxaan aaminsanahay in ay tahay mid halis ah .WSeligey ma arag wasiir wareysi uu la yeelanayo gudiga dastuurka lagu qabtay asaga oo u dhiibaya arimo ay cadahay, ayuu yeri.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".