Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiyada mucaaradka oo heli kara akhlabiyada barlamaanka

La daabacay tisdag 4 juni 2013 kl 10.10

Xaafiiska dhexe ee tirokoobka ayaa maanta soo bandhigey baaritaan la xiriira taagerada xisbiyada dalka. Xisbiga Moderatka waxuu dhumiyey taageero badan.

Xisbiga Moderatka ayaa dhumiyey taageero badan. Sida lagu sheegay baaritaanka xisbiga ayaa hada heysta taageero ah boqolkii 26,9 taas oo ah hoos u dhac boqolkii 1,2 marka loo barbardhigo baaritaanka taageerada xisbiga ee la sameeyey bishii november sannadkii hore.

Xisbiyada mocaaradka ah ee lasyku yiraahdo gaduudka iyo dooga ayaa iskugeyn heysta taagero ah boqolkii 50,7 taas oo ka micno ah in ay heli lahaayeen akhlibiyada barlamaanka hadii maanta doorasho wadanka laga qabto.

Afarta xisbi ee dowladd wadaaga ah ayaa heli lahaa boqolkii 40,7, halka xisbiga Sverigedemokratiga ay heli lahaayeen boqolkii 7,7.

Labo kamid ah xisbiyada alliansen ayaa ka hooseeya tirada lagu soogalo barlamaanka oo ah boqolki 4. Xisbiga Centern ayaa waxyar ka koreeya tirada loogu talao gelay in barlamaanka lagu soogalo,xisbiga ayaa heysta taageero dhan boqolki 4'2 halka xisbiga Krisdemokratiga tirada taageeradiisa ay tahay boqolkii 3,6.

Socaialdemkratiga ayaa ah xisbiga ugu taageerada badan kaas oo heysta boqolkii 35,6. Miljöpartiet ayaa asna heysta boqolkii 8,5 taageerada codbixiyaasha tiradaas oo ka dhigeysa Miljöpartiet xisbiga sadexaad ee ugu weyn barlamaanka. Vänsterpariet ayaa asna heysta bolkii 6,4. Xisbiga Folkpartiet tiradiisa taageero waa boqolkii 6,0.

Baaritaanka taageraada ayaa waxaa telefoon lagu wareystey 9.000 oo ruux intii u dhaxeysey 2 illaa 27 may.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".